Xildhibaan katirsanaa Gollaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan katirsanaa Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ku dishay galabnimadii maanta degmada Kaaraan, ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada amaanka ay xireen goobta dilka kadib.

Xildhibaan Cismaan Cilmo Boqore ayaa ahaa ninka ugu da'da weyn ee Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeeya, waxaana uu kasoo mid ahaa Gollaha Shacabka tan iyo mudadii KMG, isagoo soo noqday gudoomiye ku xigeen Baarlamaan 2007.

Kooxda Al-Shabaab sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaanka.

Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo saaxibo dhaw ahaayeen Xildhibaan Boqore ayaa sheegay in marxuumka uu katirsanaa Xisbiga [UPD], oo uu hogaamiye Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Allah ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa meel sare ka gaarey ciidamada, isagoo noqday Gaashaanle Sare, waxaana uu ka qeyb-qaatey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiye 1964, kaasi oo lagu dhaawacay.

Madaxda sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Xildhibaanka, oo sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Difaaca ee Gollaha Shacabka, maadaama uu ahaa nin ciidanka kasoo shaqeeyay. 

Wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqorre ayaa sidoo kale lagu dilay Muqdisho bishii November ee sanadkii 2005.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM