Xildhibaan Qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay Qarax miino oo lagu weeraray Kolanyo uu la socday Xilldhibaan ka tirsan Gollaha Sharci dejinta ee maamulka Koonfur Galbeed, sida uu xaqiijiyey qof goobjooge ahaa.

Qaraxa oo dhawaqiisa u ahaa mid culus ayaa lasoo wariyey inuu ku qabsaday Kolanyadda inta udhaxaysa degaanada Lafoole iyo Ceelasha Biyaha gaara ahaan degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo soo gaarey ciidamo galbineysa Kolanyadda uwatay Xilldhibaanka ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warisdaha Garowe Online in Kolanyadda masuuliyiinta la socotay uu kamid yahay Taliyaha Saldhiga Degmada, inkasta oo aanan la hubin hadii uu wax ku noqdo weeraroa.

Kolanyadda weerarka la kow-saday ayaa la sheegay ka baxday Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, xili kusii jeedeen Afgooye, oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan caasimadda dalka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, balse, falal noocaan ah oo horey loogu khaarijiyey masuuliyiin ay kamid ahaayeen Xilldhibaano waxaa dhabarka saartay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM