​Xildhibaanada Aqallada Baarlamaanka Somalia oo lagu dhaarinayo Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Muqdishu ka socdo qaban-qaabada Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada aqalka ee Baarlamaanka cusub ee Somalia, taasi oo dib uu dhac ku yimid 15-ka bishan kadib khilaafyo soo baxay.

Xafladda dhaarinta waxay ka dhacaysaa DugsigaTababarka Booliska ee General Kaahiye, waxaana aad loo adkeeyay amniga guud ee Muqdishu, iyadoo la xiray dhamaan wadooyinka ugu waawayn, oo ciidamo la dhigay.

Waxaa la filayaa maanta in la dhaariyo 256 Xildhibaan, xilli ay jiraan kuraas wali la dooran iyo kuwa lagu muransan yahay oo dib loo celiyay, waxaana uu noqonayaa in la dhaariyo Barlaman qabyo ah.

Hogaamiyaasha Madasha Qaran ayaa go'aamiyay in 5 kamid ah 11-kii Kursiga ee lagu muransanaa in dib loogu laabto, oo kuwa cusub lagu soo bedelo, 7-da hartayna lagu daro kuwa la dhaarinayo maanta.

Xubnaha 5-ta ah ee dib loo dooranayo, ayaa 4 kamid ah waxaa ay ka mid yihiin 11-kii horay loo laalay,waxaana lagu soo daray Xildhibaan Cabdiqaadir Gaafow Maxa'uud, oo ah Nin la dhashay Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka (NISA), kaasoo kusoo baxay doorasho ka dhacday Cadaado.

Kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka cusub ayaa la gaarsiiyay 347 Xildhibaan, kadib markii kuwa aqalka sare lagu koordhiyay 18 Xubnood oo horleh, taasi oo aan waafaqsanayn Dastuurka Somalia.

Baarlamaanka cusub ayaa noqonayo kii 10-aad, oo leh kuraasta ugu ballaarnaa oo Somalia yeelato, waxaana lacagta Mushaarka Xildhibaanada lagu qiyaasay inay gaaraya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar).

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM