Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu soo bandhigey liiska golaha wakiilada maamulkaas.

Mudaneyaasha cusub ayaa waxaa lagu waddaa in la dhaariyo dhowaan isla markaana fadhigooda koowaad ay ku doortaan afhayeen ku meelgaar ah kahor inta aysan dooran guddoon rasmi ah.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamulada xubinta ka ah dowladda Soomaaliya ee laga taageersan yahay nidaamka federaalka, balse xiriirka dhow la leh Villa Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Laftagareen, hogaamiyaha haatan ee maamulkaas, oo kamid ahaa xukuumadda Khayre ayay Qaramada Midoobay xaqiijisay in doorashadiisa lagu bixiyey laaluush.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab balse markii uu isku soo dhiibay dowladda isu sharaxay xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, ayaa xiran tan iyo bishii 2018.

Laftagareen iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ku metela dowladda federaalka ayaa balanqaadey soo deynta Abuu Mansuur, balse waxay u muuqdaa kuwa ku guuldareystay arrintaas.

Shaacinta ayaa kusoo aadeysa iyaddoo ay jireen eedeymo ku saabsan in murashaxiin Xildhibaanimo qaarkood ay madaxtooyadda ku sameysay is-hor-taag si ay ugu soo baxaan xubno kale oo ay gedaal ka riixeysay.

Hoos ka akhriso magacyadda xubnaha cusub

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM