​Xildhibaanada Galmudug oo diiday inay la kulmaan Wafdiga kasocda Barlamanka DFS

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada golaha shacabka maamulka Galmudug, ayaa diiday inay la kulmaan wafdi heer Barlaman ah oo kasocda dowladda Somalia, kuwaasoo shalay tagay degmada Cadaado.

Ujeedka socdaalka Xildhibaanadaas oo hogaamiyo Cabdiraxmaan Odowa, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, ayaa lagu sheegay inay tahay wada xaajood laga galo khilaafka ka dhex-taagan Guuleed iyo Xildhibaanada Galmudug.

Mid kamid ah 54-ta mudane ee xilka ka qaaday Cabdikariim Guuleed, ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ay ula kulmi waayeen tahay inay raadinayaan qorshe aysan dani ugu jirin maamulka iyo shacabka Galmudug.

"Barlaman ahaan ulama aanan kulmin, diyaarna uma nihin inaan lakulano, sababtu waxay tahay waxay raadinaan wax aan dani ugu jirin shacabka iyo maamulka Galmudug," Ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo magaciisa Qariyay.

Mudanahaas ayaa sidoo kale Barlamanka heer Federaal ee degmada Cadaado lagasoo doortay ku dhaliilay inay ka gaabiyeen danta iyo midnimada shacabkood isagoo xusay inay raadinayaan sidii uu xilka wali kusii hayn lahaa mudane Guuleed.

"Xildhibaanada lagasoo doortay Galmudug ee laga rabay inay u istaagaan midnimada iyo shacabka maamulkaas waxay raadinayaan oo waliba si khasab ah ku doonayaan inuu xilka sii hayo Madaxweynihii hore ee ee xilka laga qaaday Cabdikariim Guuleed, taasina ma ahan wax suuro gali karta. Tallaabadan waxaa nagu raacsan shacabkeena mana doonayaan inuu u taliyo ruux aan waxba tarayn," Ayuu hadalkiisa kusii daray Mudanaha katirsan Barlamanka maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaas kayimid Muqdishu, ayuu ku dhaliilay in markii hore lagusoo doortay Musuq-maasuq uu fududeeya ka ahaa Madaxweynaha xilka laga qaaday, sidaas awgeed hadda ay raadinayaan in musuq-maasuq arrinta lagu dhammeeyo.

Hadalkan, ayaa soo baxay xilli tan iyo todobaadkii hore magaalada Cadaado kasocdeen kulamo kala duwan oo uu u dhaxeeyay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Galmudug, inkastoo asbuucan weerar lagu qaaday xaruntii ay ku shirayeen ee degmada Cadaado, waloow markaas Xildhibaanadu goobta aysan joogin.

Beesha Caalamka iyo Madaxda Somalida, ayaa horay usoo jeediyay in xaalka lagu dhammeeyo is-afgarad iyo wada xaajood iyagoo ka digay in maamulkaas faraha la galo qalalaaso siyaasadeed xilli lagu jiro abaaro iyo doorashooyin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM