Xildhibaanada SSC-Khaatumo oo QM ugu dacwooday safiirka UK

Image
ْXildhibaanada ayaa cabashadaan ku sababeeyay faragelinta uu ku hayo arrimaha gudaha ee dalka.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Xildhibaanada SSC-Khaatumo u fadhiya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan hab-dhaqanka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, danjire Mike Nithavrianakis.

ْXildhibaanada ayaa cabashadaan ku sababeeyay faragelinta uu ku hayo arrimaha gudaha ee dalka, isla markaana ku tilmaamay in uu ka soo horjeedo danaha guud ee SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka SSC-Khaatumo ay soo mareen halgan 15-sanno ah oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland, kaasoo ay kula kulmeen dambiyo dagaal oo ay ku waayeen culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin.

“SSC-Khaatumo waxay doonaysaa inay nabad kula noolaato deriskeeda, waxayna doonaysaa inay xirhiir wanaagsan la samayso hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaanka.

War saxaafadeedka ayaa loogu baaqay safiirka Ingiriiska in uu u hogaansamo waajibaadka danjirnimo, isla markaana uusan faraha la soo gelin arrimaha SSC-Khaatumo, iyagoo [xildhibaanada] carabka ku adkeeyay in maamulkaasi ay si buuxda mas’uul uga yihiin dhulkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM