​Xildhibaanadii ugu dambeeyay Aqalka Sare oo la doortay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagu doortay Labadii Xildhibaan ugu dambeeyay Aqalka Sare Somalia kuwaasoo kaga soo biiray dhinaca Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Kursigii ugu horeeyay ayaa waxaa kusoo baxay Bilaal Idiris Cabdulaahi oo helay 23 cod kadib doorasho maanta ka dhacday caasumadda Somalia.

Booska labaad oo ahaa kursiga ugu dambeeya, waxaa kusoo baxay Saciid Cabdi Xuseen ka dib markii ay tanaasushay Maryan Axmed Xuseen oo kursigaasi kula tartameysay.

Guddiga doorashada gobollada Waqooyi ayaa natiijada ku dhawaaqay, waxayna sheegeen in labaada qof ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee gobolladaas matala.

Xubnaha aqalka Sare ayaa lasoo afmeeray, waxaana labadaas kursi ahaayeen kuwii ugu dambeeyay oo lagusoo xulo Muqdishu xilli maalinta barri ah la dooranayo Madaxweynaha Somalia.

Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 mudane, waxayna wax ka dooran doonaan Madaxweynaha Somalia ee loo ballansanyahay barri.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa dhammaantood waxaa lagu doortay Magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM