Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Gollaha Shacabka oo la doortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Xildhibaan ayaa Maanta lagu doortay Muqdisho, iyagoo noqday kuwii ugu horeeyay oo loo doortay Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka 11aad.

Mahdi Guuleed, oo ah Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku guuleystay kursiga ugu horeeya, isagoo helay codad badan oo gaaraya 97, halka Gabar la tartamaysay oo lagu magacaabo Mushtaaq Ibraahim oo heshay 3 cod.

Kursiga 2aad waxaa kusoo baxay Biixi Iimaan Cige, oo horey Xildhibaan u ahaa, waxaana uu helay wareegga 1aad 91 cod, halka ninkii la tartamayay C/raxmaan Xasan Ismaaciil, oo helay 9 cod.

Min hal cod ayaa hallaabey labada kursiga doorashadooda, waxaana halkaasi lagu soo gaba-gabeeyay doorashadii Maanta ka dhacaysay Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye, ee magaaladda Muqdisho.

Doorashadda maanta dhacday ayaa daah-fur u ah codeynta Kuraasta Gollaha Shacabka oo mudo saddex jeer ah dib u dhacday, waxaana wali jira caqabado maamulada qaar ay qabaan, sida HirShabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM