Xildhibaanno cusub oo lagu dhaariyay Muqdisho [Magacyadooda]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno cusub oo kusoo biiray Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Saddex Xildhibaan oo buuxiyay Kuraastii ka banaanayd Gollaha Shacabka, oo matala Somaliland, HirShabelle iyo Jubbaland ayaa lagu dhaariyay xarunta Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye oo lagu daaf-furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka.

Magacyada Xildhibaanada:

1 - Fataax Saciid Xasan, oo bedelay Aabihiisa Saciid Xasan Geedo oo geeriyooday sanadkii 2017-kii [Somaliland]

2 - Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, oo bedelay Cabaas Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud oo Muqdisho lagu dilay 2017-kii [Jubbaland].

3 - Nuur Iidow Beyle, oo kasoo galay HirShabeelle, isagoo ka guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe" oo Kuriga baneeyay markii Taliyaha NISA looo magabaacay 2017-kii.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Xildhibaanada cusub ee kusoo biiray maanta Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Gollaha Shacabka waxaa ka banaan hadda hal kursiga oo uu ka geeriyooday 2017 Bootaan Ciise Caalin, kaasi oo deegaan doorashadiisu yahay Galmudug.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM