Xildhibaanno ka boodey derbiga Villa Somalia, lana kulmay Mursal [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox Xildhibaanno ay ayaa caawa jebiyay derbi lagu go'doomiyay hoyga uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal uu ka degan yahay aqalka Madaxtooyadda, Villa Somalia.

Xildhibaanada oo u badan kuwii saxiixay Mooshinka xilka-qaadista ee Farmaajo ayaa saaka loo diiday inay la kulmaan Mursal, balse ay u suurta-gashay caawa, kadib markii ay kasoo boodeen derbiga iyo dhagxaanta lagu xeen-daabey Gurigiisa.

"Amar ka Soo baxay Madaxtooyada ayaa gebi ahaanba lagu mamnuucey in Loo gudbi karo Mursal, sidoo kalena aan Laga Soo bixin karin. Qoyska Gudoomiyaha ayaa noo Xaqiiyey Caawa in Guriga Gudoomiyaha xitaa loo diidey cashadii In loo soo gubdiyo," ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in amar kasoo baxay xafiisyada Farmaajo iyo Khayre lagu go'doomiyay gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kadib markii xalay uu qabtey Mooshin laga keenay Madaxweynaha.

Mahad Salaad, oo kamid ah Xildhibaanada la kulmay Mursal ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in Gudoomiyihii Gollaha Shacabka mudo ka badan 24 xabsi guri la geliyo, oo sidaasi loola dhaqmo isagoo ah ninkii labaad ee ugi sareeyay dalka.

Khaliif Cabdi Cumar, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Khayre inay Mursal geliyeen xabsi guri, si ay uu baajiyaan Mooshinka, oo aan loo furin kulamadii Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM