Xildhibaano cusub oo BF Soomaaliya uga soo biiray Koonfur Galbeed

Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Saddex Xildhibaan cusub ayaa Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya maanta uga soo biirtay magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Bay, kadib doorasho halkaasi ka dhacday.

Laba kamida kuraastaasi waxaa baneeyay mas'uuliyiin xilal u doontay maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Madaxtooyadda, halka midka kale uu ka geeriyooday marxuum Sharcidejiye kadib xanuun soo wajahay.

Kursiga koowaad oo uu baneeyay Xuseen Cusmaan, taliyihii sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa kusoo baxay Cali Sheekh Cabdullaahi [Cali Afgooye] markii uu helay 51 cod oo ergada ah.

Cali ayaa la tartamayay Saciid Cali Cusmaan oo aanan helin wax codad ah, maadaama uusan madashaba soo xaadirin.

Kursiga labaad waxaa kusoo baxay Nuur Siidow Baaba Xasan kadib markii uu uruursaday 48 cod oo ergada ah. Guuleystaha ayaa ka badiyay Fiqi Cabdullaahi Mayow oo helay kaliya hal cod.

Sidda uu sheegay Guddiga doorashooyinka, waxaa xumaatay laba cod – Mid si qaldan loo codeeyay iyo mid aanan warqada waxba lagu qorin.

Kursigaan waxaa ka geeriyooday Axmed Mayow [Korneyl Ruush], kaasi oo mudanayaasha Aqalka Hoose kamid ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyntii, kursiga saddexaad oo ahaa midkii ugu xiisaha badnaa waxaa ku baratamay saddex murashax oo kala ahaa; Cabdicasiis Cali Macalin, Shamso Ibraahim Maxamuud iyo Cali Cadow Maxamed.

Cali Cadow Maxamed ayaa labinta leh markii uu helay 28 oo kamid ah ergada coddeysay. Shamso ayaa heshay saddex cod, halka Cabdicasiis ay u codeeyeen 16 kamid ah codbixeyaasha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in saddex [3] cod ay xumaadeen markii qaar kamida ergada ay si qaldan codkooda u dhiibteen.

Kursigaan waxaa isla casilay Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen], madaxweynaha waqti xaadirkaan ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhamaan xubnihii laga guuleystay ayaa qirtay dharbaaxada ku dhacday waxayna sheegeen in ay aqbalsan yihiin qaabka ay coddeynta u dhacday xili guuleystayaasha ay farxad ka muujiyeen guulahooda.

Mudaneyaasha kusoo biiray xeer-dejinta Soomaaliya oo la gudoonsiiyey Shaadooyinka muujinaya Xildhibaanimadooda ayaa kordhinaya tirada dhalinyarada sharcidejinta ku jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM