Xildhibaano kulan qarsoodi ah la yeeshay Fahad Yaasiin oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha amniga Kenya ayaa garoomada diyaaradaha Jomo Kenyatta iyo Wilson ku qabtay sideed Xildhibaano kuwaasoo looga shakisan yahay in ay booqdeen Soomaaliya.

Wargeyska afka dheer ee The Star ayaa daaha ka rogay in xubnahaan oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Barri la xiray isla markiiba ay kasoo kala dageen garoomada halkaasna lagu sugayey.

Telefishinka maxaliga ah ee Citizen Tv ayaa xusay in xubnahaan ay Sabtidii ka degeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa GO u sheegay in ay ka kulmeen mas'uuliyiin uu kamid yahay taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, oo ah ninka ugu awooda badan ee dowladda.

Mudaneyaasha ayaa laga soo kala doortaa magaalooyinka Mandera iyo Wajeer, wallow aan la shaacin magacyadooda.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ujeedka socdaalkooda uu daaranaa xalinta khilaafka dowladda iyo Jubaland. Si lamid ah taag-taaga diblumaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Hay'adda Dambi Baarista CID ayaa la tibaaxay in ay waydiin doonto su’aallo la xiriira safarkooda iyo hadii ay ogolaanshiyo dhab ah ay ka haysteen guddoonka baarlamaanka waddanka Kenya.

Sidoo kale, waydiimaha ayaa daaran hadii safarkooda uu ahaa mid rasmi ah ama in uu ahaa mid shaqsiyadeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhex-aloolsan xiisad diblumaasiyadeed oo ku saabsan dhinacyadda; kiiska badda ee horyaala ICJ, arrinta Jubaland iyo xiisadda ka taagan xuduudka ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM