​Xildhibaano maanta lagu doortay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia-  Saddex kamid ah Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ee ka imaanaya gobollada Waqooyi ayaa lagu doortay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay warbaahinta u u xaqiijiyeen Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban.

Doorashada oo ka dhacday xarunta gaadiidka, ayaa waxaa kusoo baxay saddex mudane oo mid kamid ah dumarta tahay.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa kala ah; Maxamed Cabdullahi Kaamil oo heshay 51 cod, waxaana kursigaas kula tartamay Jibriil Sacad Muuse, Maxamed Cali Xagaa oo 50 cod kaga guulaystay Maxamed Iidle Kheyre iyo Seynab Caamir oo heshay 48 cod.

Xubnahan ayaa mid kamid ah, waxaa loo doortay Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, halka labada kale yihiin Aqalka Sare.

Ammaanka waddooyinka soo gala xaruntaas ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxaana laga mamnuucay gaadiidka  inay is-ticmaalaan.

Dhawaan ayay ahayd markii kulan dhexmaray Guddoonka Barlamanka Somalia iyo Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ay soo jeediyeen in la dhammaytiro doorashada Xildhibaanada wali harsan.

269 xildhibaan ayaa iminka si toos ah loo doortay, waxaana la filayaa in kuwa kale lasoo afmeero inta aan la gaarin doorashada Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM