Xildhibaano: Waan ka baxaynaa BF hadii aan Puntland la siin shahaadada

Image

MUQDIHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Puntland ku metela baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho ayaa ka arrin-sadey diidmada xukuumada ee shahaadada ardayda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada federaalka ayaa xusay in ardayda Puntland aysan heli doonin shahaado hadii aysan ka qeyb-gelin Imixaanka Federaalka. Jamaacadaha ayuu fartay in aysan qaadan karin.

Xildhibaanaada ayaa go'aankaas ku tilmaamay mid burburinaya dedaalo ay doonayeen in lasoo afjaro xiisadda taagan.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka tacliinta, ayay ku eedeeyeen "in uu hareer-maray" balamo ay dhigteen oo ahaa in ay u socdaalaan caasimada Puntland si xal waara loogu helo qadiyadaas.

Madaxda dalka si gaar ah madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Khayre ayay ku waaniyeen in ay farageliyaan arrintaan "maadaama uusan wasiir uusan go'aan ka gaari karin masiirka umad dhan".

Mowqif cad

Maxamuud Axmed Ciise [Maas], oo kamida sharci-dejiyeyaasha kulanka kadib u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in aysan kasii mid ahaan doonin baarlamaanka hadii aan la bixin shahaadada.

"Wasiirka isagoo aan nasoo wicin ayuu idaacad afka la galay, wuxuu ka sheegayna wuu ka sheegay, waxaan leenahay annaga arrintaas wali waa noo taagan tahay," ayuu Mr Maas raaciyey.

Ardayda iyo waalidiinta Puntland ayuu ugu bishaareeyay in ay heli doonan shahaadada, ayna muujiyaan dulqaad badan.

Rajo wanagasan ayuu ka muujiyey in sidda ugu dhow uguna macquulsan loosoo afjaro kala taagnaanta dhanka waxbarashadda ah.

Dastuurka qabyadda ah Soomaaliya ayaa u ogolaanaya maamul goboleedyadda in ay si madax banaan u maamushaan arrimo ay kamid tahay tacliinta, doodaas ayaana ah garnaqsiga dowlada Puntland.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM