Xildhibaano: Waan ka baxaynaa BF hadii aan Puntland la siin shahaadada

Image

MUQDIHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Puntland ku metela baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho ayaa ka arrin-sadey diidmada xukuumada ee shahaadada ardayda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada federaalka ayaa xusay in ardayda Puntland aysan heli doonin shahaado hadii aysan ka qeyb-gelin Imixaanka Federaalka. Jamaacadaha ayuu fartay in aysan qaadan karin.

Xildhibaanaada ayaa go'aankaas ku tilmaamay mid burburinaya dedaalo ay doonayeen in lasoo afjaro xiisadda taagan.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka tacliinta, ayay ku eedeeyeen "in uu hareer-maray" balamo ay dhigteen oo ahaa in ay u socdaalaan caasimada Puntland si xal waara loogu helo qadiyadaas.

Madaxda dalka si gaar ah madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Khayre ayay ku waaniyeen in ay farageliyaan arrintaan "maadaama uusan wasiir uusan go'aan ka gaari karin masiirka umad dhan".

Mowqif cad

Maxamuud Axmed Ciise [Maas], oo kamida sharci-dejiyeyaasha kulanka kadib u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in aysan kasii mid ahaan doonin baarlamaanka hadii aan la bixin shahaadada.

"Wasiirka isagoo aan nasoo wicin ayuu idaacad afka la galay, wuxuu ka sheegayna wuu ka sheegay, waxaan leenahay annaga arrintaas wali waa noo taagan tahay," ayuu Mr Maas raaciyey.

Ardayda iyo waalidiinta Puntland ayuu ugu bishaareeyay in ay heli doonan shahaadada, ayna muujiyaan dulqaad badan.

Rajo wanagasan ayuu ka muujiyey in sidda ugu dhow uguna macquulsan loosoo afjaro kala taagnaanta dhanka waxbarashadda ah.

Dastuurka qabyadda ah Soomaaliya ayaa u ogolaanaya maamul goboleedyadda in ay si madax banaan u maamushaan arrimo ay kamid tahay tacliinta, doodaas ayaana ah garnaqsiga dowlada Puntland.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM