Xildhibanada Galmudug oo mooshin xilka looga qaadayo ka gudbiyey Cabdikarim Guuleed

Image

CADAADO, Somalai - In ka badan 50 Xildhibaan, ayaa maanta mooshin kalsooni kala noqosho ah ka gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay ku eedeeyeen Xil-gudasho la'aan iyo Maqnaansho badan.

Shariif Maxamed Tahliil, oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in mudo dheer ay soo diyaarinayeen mooshinka ay maanta u gudbiyeen Gudoomiyahooda Cali Gacal Casir. 

"Wax-qabad la'aan, ka maqnaansho xafiiska Cadaado mudo dheer ah, iyo inuu Galmudug ka hormariyay danahiisa gaar ah ayaan u keenay mooshinka oo 50 Xildhibaan ay saxiixeen," ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Shariif in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/kariin ay noqdeen Labo Mas'uul, oo shaqadooda gudan waayay, kadib markii ay joojiyeen howlihii maamulka u hayay shacabka mudo dhowr bilood kahor. 

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa Bishii October sheegay in aysan jirin wax kulamo ah oo uu yeelan karaan Xildhibaanada, isagoo taasi u sababeeyay Doorashooyinka Labada aqalka ee baarlamaanka Somalia. 

Cali Gacal Casir ayaa hadda ku doodayo in Xildhibaanada ay ku jiraan wali fasaxiii xilligaasi la siiyay, islamarkaana aysan wax mooshin ah ka keeni karin Madax sare, sida Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed. 

Maalin kahor, ciidamo ilaalo u ah Madaxtooyada Galmudug ayaa is-hortaagay Xildhibaano doonayay inay ku shiraan Hoolkooda magaalada Cadaado, waxaana la sheegay inuu amarkaasi uu bixiyay Madaxweyne Guuleed.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM