Xildhibanada Galmudug oo mooshin xilka looga qaadayo ka gudbiyey Cabdikarim Guuleed

Image

CADAADO, Somalai - In ka badan 50 Xildhibaan, ayaa maanta mooshin kalsooni kala noqosho ah ka gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay ku eedeeyeen Xil-gudasho la'aan iyo Maqnaansho badan.

Shariif Maxamed Tahliil, oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in mudo dheer ay soo diyaarinayeen mooshinka ay maanta u gudbiyeen Gudoomiyahooda Cali Gacal Casir. 

"Wax-qabad la'aan, ka maqnaansho xafiiska Cadaado mudo dheer ah, iyo inuu Galmudug ka hormariyay danahiisa gaar ah ayaan u keenay mooshinka oo 50 Xildhibaan ay saxiixeen," ayuu yiri Xildhibaanka.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Shariif in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/kariin ay noqdeen Labo Mas'uul, oo shaqadooda gudan waayay, kadib markii ay joojiyeen howlihii maamulka u hayay shacabka mudo dhowr bilood kahor. 

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa Bishii October sheegay in aysan jirin wax kulamo ah oo uu yeelan karaan Xildhibaanada, isagoo taasi u sababeeyay Doorashooyinka Labada aqalka ee baarlamaanka Somalia. 

Cali Gacal Casir ayaa hadda ku doodayo in Xildhibaanada ay ku jiraan wali fasaxiii xilligaasi la siiyay, islamarkaana aysan wax mooshin ah ka keeni karin Madax sare, sida Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed. 

Maalin kahor, ciidamo ilaalo u ah Madaxtooyada Galmudug ayaa is-hortaagay Xildhibaano doonayay inay ku shiraan Hoolkooda magaalada Cadaado, waxaana la sheegay inuu amarkaasi uu bixiyay Madaxweyne Guuleed.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM