Dhageysiga dacwadii xisbiga Shariif ka gudbiyey DF oo bilaabaneysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay si rasmi ah u qabatay dacwad ka timid xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii 7aad ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Baashe Yuusuf Axmed, gudoomiyaha xeer-beegtada ugu sareysa waddanka, oo la hadlay Telefishinka VOA-da qeybta Af Soomaaliga, ayaa tibaaxay in dacwadda la marsiiyey hanaanka garsoorka.

Nidaamka ayaa wuxuu yahay in marka qof ama xisbi dacwad soo gudbiyey la hordhigo qofka laga soo dacwadoodey kadibna uu kasoo jawaabo isla markaana maxkamadda kadib muddeyso dhageysiga kiiska.

"Dacwadaas waxaa soo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran, dacwad maamul oo uu ka cabanayo Hay'adda Duulimaadka Rayidka. Dabcan, maxkamadii waxay u gudbisay cidii laga cabanayey, waana kasoo jawaabay," ayuu yiri.

Inkasta oo uusan muddeyn waqtiga saxda ah, Baashe ayaa intaas ku daray: "Dacwadii waxaa hadda harsan dhageysigeeda. Waxaana filayaa in maxkamadda ay dacwadaas dhageysan doonto maalmaha soo socda".

Mr Baashe oo ku doodey in gal-dacwadeedkan uu sharciga wuxuu ka qabo marsiin doonan ayaa meesha ka saarey in ay farogelin kaga imaan karto Laanta Fulinta, taas oo ah wax dad badan shaki badan ka muujinayaan.

"Garsoorka waxaa nagula dhaariyey in aan ku shaqeyno sharciga oo kaliya. In aan dacwadaha u dhageysano si aan cabsi lahayn, annaga oo aan cidna u danayneyn. Tan umadda aan u damaanad qaadeyno waa dhexdhexaadnimo".

Wuxuu cod dheer ku tilmaamay: "Mana jirto cid noo yeerin karta go'aanada aanu gaareyno iyo sidda aynu u gaareyno, oo aan sharciga ahayn".

Bishii October 6-deeda ee sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran uu si rasmi ah ugu dhawaaqay uu dacwada gudbiyey.

Dacwadda ayaa waxay ku saabsan is hortaag lagu sameyay wafdi ka socda xisbiga kuwaas oo ku wajahnaa magaaladda Kismaayo halkaas oo ay kaga qeybgeli lahaayeen caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM