Xildhibaan ka tirsanaa Gollaha Shacabka oo is casilay [Sabab]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay maanta oo Axad ah in Xilldhibaan C/qaadir Maxamuud Gaafoow, uu iska casilay xilka Xilldhibaanimo ee Gollaha sharci dejinta dalka Soomaaliya.

Ma cadda sababta ka dambeysa is-casilaadda Xilldhibaanka, balse, warar soo baxaya ayaa daboolka ka qaadaya in ay salka ku hayso is-qabqabsi ka taagnaa doorashadii uu marku hore kusoo baxay Xilldhibaan Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud.

Guddiga khilaafo xalinta ee doorashooyinka dalka ayaa lagu soo waramayaa in tan iyo markii uu kusoo baxay doorashadiisa ay wadeen dadaalo ay ku doonayeen inay xal kaga gaaraan, taasoo ugu dambeyn qasabtay inuu meesha ka baxo Xilldhibaanla.

Degaan ahaan, waxaa Xilldhibaanka laga soo doortay maamul goboleedka Galmudug, waxaana doorashadiisa ay dhacday sanadkii 2017, xili ay ka qabsoontay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, inkastoo qorshuhu ahaa inay Cadaado ka dhacdo.

Kursiga Xildhibaanka iska-casiley ayaa kamid ahaa kuraastii muranka uu ka dhashay ee dib loo celiyay, waxaana doorashadiisa ay dhacday labo jeer.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowladda Federaalka ah Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayaa waxay sheegtay doorashadda Kursiga uu baneeyay Xilldhibaan Cabdiqaadir ay dhowaan dhici doonto.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay inay qaban doonan doorashadda Kuraas kale, kuwaasoo ay beeneeyeen, Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan, C/qaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi, oo geeryooday.

Xaliimo Yarey ayaa carabka ku dhufatay in doorashadda saddexdaan Kursi ay ka dhici doonto Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb, maadaama degaan ahaan halkaas ay kasoo jeedaan Mudanayaasha xilka baneeyay.

C/qaadir Gaafoow Maxamuud ayaa la dhashay Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafoow, waxaana doorashadiisa oo ka qabsoontay Magaalo madaxda dalka hareeyay buuq siyaasadeed, taasoo dhinacyada siyaasadeed ee dalka iska horjeeda ku lug-lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM