Xiriirka Villa Somalia iyo HirShabelle oo qarka u saaran inuu xumaado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mad-madow ayaa soo ifbaxeysa in uu soo dhex-galay cilaaqaadka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulka HirShabelle.

Tani ayaa ka dambeysay markii maamulka Jowhar uu ka gadooday "qoondo yar" oo uu sheegay in laga siiyo lacag loo qorsheeyay ka hortaga musiibooyinka.

Deeqdaan oo ka timid beesha caalamka ayaa la sheegay in ay gaareyso 30 milyan oo dollar taasi oo qaab degmo ahaan loo qaybinayo.

Todobaadkii hore, shir ay soo qaban-qaabisay wasaarada gargaarka heer federaal ayaa lagu qaybsaday lacagtaasi, wallow uu qaadacay maamulka HirShabelle.

Arrimaha uu ka dibad-baxayo dowlad goboleedka Maxamed Cabdi Waare waxaa qayb ka ah in loogu soo daray degmada Cadale, taasi oo aysan qaadi karin.

"Qaybinta lacagta waxaa lagu saleeyay caadifad qabyaaladeysan iyo eexasho," ayaa laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Waare.

Wasiirka Madaxtooyada maamulkaasi ayaa maanta oo Talaado ah ku goodiyay in ay xiriirka u jarayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Cadow ayaa intaasi raaciyay in sidoo kale xiran doonan sohdinta ay la wadaagaan gobolka Banaadir iyo Muqdisho.

"Waxaan dib u howlgelin doonaa garoonka Cisale iyo dekada Ceelmacaan, hadii sidaan loo dhaami waayo," ayuu wasiirka u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasada ayaa rumeysan in ay tani ay sidoo kale halis geli karto xiriirkii fiicnaa ka dhaxeeya dowlada iyo maamulkaasi.

"Way dhici kartaa," ayay ku jawaabeen, markii la su'aalay in ay suurtogal tahay in Waare looga yeero Muqdisho si looga qanciyo waxa uu tabanayo.

HirShabelle ayaa horey isaga baxday Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadda markii ay ku heshiiyeen in ay xiriirka u jaraan dowlada federaalka, waxaana uu hogaanka maamulkaasi uu heshiis is-afgarad ah la galay Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM