Xisbiga Sheekh Shariif oo garab-istaag u muujiyey Rooble

Image
Image
Image
Image
Xisbigan ayaa sidoo kale wuxuu si aan toos ahayn uga hor-yimid qoraal dhowaan kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno ka tirsan xisbi siyaasadeedka madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Waxa ay isla garteen in si wada jir ah loo saxo khaladaadka ka dhacay doorashada, lagana hortago wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Hadalkan oo la soo dhigay barta Facebook-ga ee xisbiga Himilo ayaa u muuqda mid ka hor imaanaya go’aankii midowga musharixiinta madaxweynaha ay ku diidan yihiin hanaanka doorashada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa ah gudoomiyaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

"Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Wasiirudowlaha Cadaaladda XFS ahna Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama'diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Himilo Qaran Cabdinaasir Maxamed Sh Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Raysal wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble," ayaa lagu yiri qoraalka Himilo Qaran.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda Doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka, waxaana la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasoo saldhig u ah horusocodka Dowladnimada Soomaaliya".

Rooble ayaa hadda olole ugu jira sidii uu meesha uga saari lahaa dalabka mucaaradka ee ahaa in doorashada aqalka hoose dib loo dhigo sababo la xiriira musuq maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM