Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo ka baxay wada-hadalkii DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in uu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in fashilka heshiiska ay sababteeda leedahay xukuumadda federaalka oo ay xuseen in aysan fulin dhamaan qodobadii lagu heshiiyey.

War-saxaafadeedka ayay ku caddeeyeen in ay ka baxeen gebi ahaanba wada-xaajoodyadda oo ku saabsanaa doorashooyinka sanadka dambe iyo geedi u socodka siyaasada.

Wada-hadalkii u dambeeyay ee dhexmaray Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, ayaa qodobada kasoo baxay waxay kala yihiin;

1. In Farmaajo "ka garaabay" ficiladii lagula kacay Madaxweyneyaashii hore.
2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021
3. In la dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed
4. Ciidamada siyaasadda in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.
5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.
6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.

Bayaanka Khamiista maanta ah, 19-ka December, 2019, kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku eedeeyay Farmaajo uusan "daacad ka ahayn" dhaqan-gelinta qodobadan.

Dhinaca kale, Villa Soomaaliya kama jawaabin eedeynta iyo hadalka kasoo yeeray Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM