Xamse oo ka hadlay khilaafka dhex-yaalla Culimada Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay dhamaadka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Al-Shabaab, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn," ayuu yiri.

Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen  Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM