Xamse oo ka hadlay khilaafka dhex-yaalla Culimada Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay dhamaadka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Al-Shabaab, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn," ayuu yiri.

Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen  Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM