Xog ay NISA ka uruurisay shaqaalaha DF oo "u gudubtay" Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in xog ay hay'adda NISA ka uruurisay shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka Soomaaliya "u gudubtay" Al-Shabaab.

Macluumaadka ay hay'addu uruurisay ayaa ka kooban; magaca qofka, magaca labadiisa waalid, sawirkiisa, muuqaal hoyga uu degganyahay ah, saaxibbadiis, taariikhdiisa nololeed, dadka ehelkiisa ah IWM.

Dhamaan tafaasiishan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay laga qaadey qof walba oo kamid ah howladeenadda dowladda iyo saraakiisha ciidamadda xoogga.

Mas'uuliyiinta ayaa talaabadan ku macneeyay "arrimo ammaan", iyagoo diiday in ay ka bixiyaan macluumaad dhameystiran.

"Waxaa soo baxaysa in xogtaas ay u gudubtay Al-Shabaab. Sida uu sheegay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Mudane Abdalla Abdalla, waxaa guryohooda loogu tegey saraakiil NISA ka tirsan, laakiin xilligaa ka maqnaa hoygooda," ayuu hogaamiyaha xisbiga Wadajir kusoo qoray baraha bulshadda.

Warsame ayaa "halis amniga Qaranka dalka soo foodsaartay" ku tilmaamay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay hesho xogtaas.

"Haddii xogta ku saabsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka si wadashaqeyn ah loogu gudbiyey Al-Shabaab iyo haddii ay si kale ku heleenba waa halis amniga Qaranka dalka soo foodsaartay," ayuu ku daray.

Labadda aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ku booriyey in ay dabagal iyo baaritaan ku sameeyaan arrintaan.

"Sidoo kale, xisbiyada siyaasadda iyo warbaahinta waa in ifiyaan halista uu arrinkaasi yeelan karo. Hay’adda Nabadsugidda waa in caddeyn ka bixisaa arrinkaas," ayuu hadalkiis kusoo xiray.

Dhinaca kale, hay'adda NISA ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha ku jira qoraalka siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

NISA waxaa horey u hareereeyay eedeymo sheegaya in ay milmeen xubno Shabaab ah, taasoo ay walaac ka muujiyeen siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in ay wiiqeyso suurtogalnimada in kooxda laga adkaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM