Xog cusub oo laga helay ciidanka loo qaadey Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa door firfircoon ka cayaartay askarta tababarka sidda qarsoodiga ah loogu daabulay Eritrea, madaxweyne Farmaajana wuxuu lahaa fekerka oo dhigiisa Isias Afawerki uu la wadaagay intii uu booqashadda ku joogay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sidda uu shaaca ka dhigay Barnaamijka Galka Barista ee ka baxa laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Marka laga yimaado doorka saraakiisha NISA, 135 oday dhaqameedyo oo ay wehliyaan Xildhibaano ayaa, sidda ku xusan warbixinta barnaamijka, sidoo kale waxay door ku lahaayeen shaqadaas.

Sidda laga soo xigtay barnaamijka oo macluumaadkan baahiyey Talaadadii asbuucan, Xerada Generaal Shibrow oo ku taala dhabarka dambe ee xarunta NISA ee Muqdisho waa halka lagu diiwaangeliyey.

Xogaha cusub ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay NISA ugu wakiilatay fulinta howshaan maadaama awood u leedahay iyadda oo mid kamid ah saraakiisha loo xil-saarey uu gacansaar dhow la leeyahay Asmara oo xudun u ahayd diiwaan-gelinta askarta. Balse, Galka Baarista ma uusans oo bandhigin magaca sarkaalka shaqadaas ku lug lahaa.

Dufcadda koowaad ee askarta loo qaadey Eritrea ayaa la daabulay 19-kii August, 2019, halka qeybta labaad la duuliyey 20-kii October. Iyadda oo dhamaan laga duuliyey madaarka Aadan Cadde, sidda ku cad warbixinta, waxaa qaadey diyaarad laga leeyahay waddanka Ukraine balse ku duuleysay magaca Eritrea. Ma cadda hadii la qaadey habeen ama maalin.

Inkasta oo duulimaadyadda ay si is-dabajoog ah u socdaan wixii xilligaas ka dambeeyay, waxaa hakad geliyey go’aanka ay Soomaaliya kasoo saartay duulimaadyadda caalamiga ah Maaj, 2020 sababo la xiriira faafitaanka safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus.

Galka Baarista ayaa intaas ku daray in tirro badan la diiwaan-geliyey bilihii ugu horeeyay ee Covid-19 jiray isla markaana daabuliytaanka ay dib u bilaabatay iyadda oo xayiraadda ay jirto. Laba illo wareed wuxuu kasoo xigtay in Wasaaradda Caafimaadka ay tijaabo marsiisay 5,000 illaa 7,000, halka illo wareed saddexaad wuxuu sheegay tirro intaas ka hooseysa.

Bishii Janaayo, waxaa jiray warbixino sheegaya in qaar ka mid ah askarta tababarka loogu qaadey Ereteriya ay ka qaybqaateen dagaalkii Tigray ee u dhaxeeyay Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya [ENDF] iyo Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray [TPLF]. Ilo wareedyo badan ayaa shaaca ka dhigay in ku dhowaad 300 oo askari oo Soomaali ah la diley.

Si kastaba ha noqotee, Galka Baarista wuxuu cadeeyay in aysan jirin caddeymo cad oo muujinaya in askarta loo qaaday Tigray. Waalidiinta qaar oo ka walwalsan sheegashadan ayaa xaqiijiyay in wiilashooda ay lasoo xiriireen una caddeeyeen in ay ku sugan yihiin gudaha waddanka Eritrea isla markaana aysan waligood tagin gudaha gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray.

Dhowr usbuuc ka hor, Galka Baarista wuxuu raaciyay in dowladdu ay bilowday inay u oggolaato askarta inay wacaan waalidkood ka dib warbixinno ku saabsan halka ay ku sugan yihiin. Si kastaba ha noqotee, Galka Baarista wuxuu ogaaday in loo fasaxay in ay ka baxaan xeryahooda si ay u sameeyaan wicitaanka, taas oo ah talaabo aysan si fudud u heli karin askarta caadiga ah.

Intii lagu gudajiray tababbarkii cuslaa ee Ereteriya, wararku waxay tilmaamayaan, ugu yaraan hal askari ayaa dhintay, sidda uu sheegay mid ka mid ah waalidiinta ay la xiriirtay NISA. Aabe kale oo waalidiinta ku jira ayaa xusay "shil" uu la kulmay wiilkiisa, balse ma bixin tafaasii dheeraad ah.

Balse, hooyo kale oo kamid ah waalidiinta ayaa sidoo kale sheegtay in lagu wargeliyey in wiilkeeda uu dhintay taas oo noqotay mid been abuur ah ka gedaal markii ay wadahadleen bishii Janaayo.

"Fikradda ah in Eritrea ay tababarto askarta Soomaaliya waxaa markii ugu horreysay ka hadlay madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Farmaajo booqashadiisii labaad ee Asmara laakiin waxaa si faahfaahsan looga hadlay booqashadii madaxweyne Isaias Afwerki uu ku yimid Muqdisho bishii Diseembar 2018," ayuu Barnaamijka ku yiri warbixintiisa.

Qorshaha koowaad wuxuu ahaa in askarta lagu tababaro dalka; Eritrea waxay u dirtay khubaro milateri si ay u soo qiimeeyaan xaaladda; waxay booqdeen degaanada Degaanley, Isley iyo Jazeera, oo Muqdisho kawada tirsan, waxayna la kulmeen saraakiil kala duwan laakiin ugu dambeyntiina, waxay go'aansadeen in aysan isku haleyn karin ammaanka waddanka.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah askarta tababarka loo qaadey, wuu u dhamaadey tababarka; qaarkood waxaa u hartay billooyin tababar ah balse ma cadda goorta la soo celin doono. Hase yeeshee, wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed [SNA] ay bilaabeen qorshayaal ay ku soo celiyaan in ka badan 5,000 oo askari bilaha soo socda.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay la wareegto maamulka ammaankeeda marka Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya si buuxda loo dhaqan galiyo dhamaadka sanadka 2021. Ugu yaraan 20,000 oo askari oo ka socda wadamada ciidanka ugu deeqay howlgalka Midowga Afrika ee magaciisa loosoo gaabibyo AMISOM ayaa la filayaa in kadib ay mac-salaameeyaan ama soo afjaraan joogitaankooda dalka kadib in ka badan tobban sano oo nabad ilaalin u joogeen dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM