Xog dheeraad oo laga helay Qaraxii Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Soomaaliya - Waxaa magaalada Baladweyne ka dhacay sabtidii qarax sababay dhimashada in ka badan 21 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale. Qaraxan ayaa lagu fuliyay gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo ku qarxay dhanka bari ee magaalada.

Gaariga xamuulka ah ee siday walxaha qarxa ayaa markii hore waxa uu soo maray Koontarool ku yaala Buundada Liqliqato, halkaasi oo lacago looga jaray. Waxaana la sheegay in uu la socday gaariga shaqsi aad looga yaqaano magaalada oo ku shaqeysta in uu gubyo gaawaarida.

Gaariga xamuulka ah ayaa safarkiisa sii watay, waxaana uu gaaray goob kale oo laga hago gaadiidka, waxaana loo diiday inuu ka gudbo inta baaritaan dhab ah lagu sameynayo.

Maamulka ayaa xog hore ka hayay gaarigan. Markii la ogaaday in uu ka gudbay Buundada Liqliqato, ayaa waxaa loo diray ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Milatari si ay uga hortagaan in uu u soo gudbo Bartamaha Magaalada.

Gaariga ayaa ugu dambeyntii lagu joojiyay Koontarool ku yaala xaafadda Horseed, wadihii gaariga ayaa durba qarixiyay isaga oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gaarigan xamuulka ah ayaa la wariyay in laga soo gudbiyay dhanka Galbeed ee magaalada sida ay rumeysan yihiin Maamulka, halkaas oo aan wali laga bilaabin howlgallo lagu sifeynaayo kooxda maylka adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM