Xog ku saabsan sidda uu ku bilowday weerarka huteel SYL

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerarka fiidnimadda caawa, 10-ka December 2019, lagu qaadey huteelka SYL ee magaaladda Muqdisho.

Sidda ay goobjoogeyaal khadka talefoonka ugu sheegeen warsidaha Garowe Online, dabley ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo ilaaladda huteelka ayay is-rasaaseyn dhexmartay.

"Qaraxyo ka dhashay bam-gacmeed ayaa maqalnay, marka hore, kadibna rasaas xoogan," ayuu yiri mid kamid ah goobjoogeyaasha oo ku sugnaa Beerta Nabadda oo ka agdhow halkaas.

Cabdirisaaq Maxamed, Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen dhismaha huteelka.

Mudane kale kana tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay GO in dagaalameyaasha huteelka weeraray ay goobta ku yimaadeen gaari boolis ah.

Macluumaadka oo illo wareedyadda laga helay aadka loogu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale qeexaya in xubnaha Al-Shabaabka ah ay wateen dareeska ciidamadda bileyska.

"Waxay isku dayeen in ay aadaan dhanka Madaxtooyadda, ciidamadda ayaa iska caabin kala hortegay," ayuu yiri Xildhibaanka, isagoo ku daray: "Kadib, waxay galeen huteelka SYL".

Korneyl Cabdinaasir Maxamuud, oo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo xaqiijiyey falkan, ayaa sheegaya in ay baaritaan ku wadaan khasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in laba kamid ah dableyda weerarka soo qaadey lagu toogtay iridka huteelka, halka tirro kale oo aan wali la ogaan ay u daateen gudaha huteelka.

Sikastaba, Huteelka SYL oo horey dhowr jeer loo beegsaday ayaa ah mid ammaankiisa aad loo ilaaliyo, sababtuna waa in ay degan yihiin mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM