Xog laga helay bartilmaameedka qaraxii ka dhacay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kale way ku dhaawacmeen markii qarax gaari uu duhurnimadii maanta uu ka dhacay isgoyska Taleex ee bartamaha magaaladda Muqdisho.

Shaqsiga geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Muniir Saalax Cumar ayaa saarnaa gaariga qarxay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska.

Mid kamid ah dadka loola cararay goobaha caafimaadka ayaa ahaa Aabaha dhalay Muniir, kaasi oo dhaawac uu kasoo gaarey qaybaha hoose ee jirkiisa.

Suxufiyiin meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa soo wariyay in Saalax uu ku qeylinayay "qaraxa waxaa noogala xiray geerish".

Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa Aabaha, kaasi oo kamida ganacsatada Muqdisho.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyada weerarkaasi, balse Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay howlgalo noocaan ah ka fulineysa caasimada.

Maalin kahor ayay ahayd markii macalin Jaamacadeed lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay xaafada Black Sea ee degmada Hodan.

Sabtidii lasoo dhaafay weerar is-miidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday dhismo ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud waxaa lagu khaarijiyay 15 ruux oo ku jiro wasiir ku xigeenkii Shaqaalaha.

Magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika ayaa wehel u noqotay qaraxyo tan iyo ciidamada AMISOM ay dalka soo galeen ayna kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ka saareen Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM