XOG | Tirada saxda ah ee Saraakiisha naftooda ku waayey weerarkii Gen. Gordon

Image
Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weerar ku qaaday Saraakiil Imaaraad u dhashay.

Muqdisho, Soomaaliya - Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa weerar ka fuliyay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho, oo ah Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ku tababaro Saraakiisha Somalida, waxaana hawlgalkaasi oo ahaa mid loo adeegsaday qoriga BKM, isla markaana lala beegsaday Saraakiisha Imaaraadka.

Askariga ayaa rasaas isweydaarsaday ciidamadii Soomaalida ahaa ee saldhiga ku sugnaa, waxaana howlgalka lagu dilay saraakiil Imaaraati ah, ilo amni ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay Imaaraadku tababareen, waxaana lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed.

Ilo ka tirsan laamaha amaanka ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in tirada dadka ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen shan qof, 3 sarkaal oo Imaaraati ah, sarkaal Baxreyn ah iyo sarkaal Soomaali ah, waxaana dhacdadan ay dhacday xilli ay ku guda jireen salaaddii Cisho & Maqrib, maadaama ay safar ku jireen. .

Weerarka ayaa lagu dilay Madaxii howlgalka amni ee Imaaraadka Carabta u qaabilsanaa Soomaaliya, Mohamed Mubarak Al Mazrouei.

Warbaahinta dalka ka soo baxa ayaa aad u buun buuniyay tirada dhacdadan ku dhimatay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in 9-20 qof lagu dilay, taasoo ka hor imaaneysa xogta laga helay ilo amni oo lagu kalsoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM