Xogaha ku xeeran doorashada xubnaha Aqalka Sare

Image
Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa doortay wakiilada qaar, halka maamulada kale ay qaban-qaabo waddaan. [Photo: Facebook]

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa si habsami leh u socda doorashada mudaneyaasha cusub ee Aqalka Sare taasoo dhowaan laga bilaabay dowlad goboleedyada kala ah Jubaland iyo Koonfur Galbeed, halka maamul goboleedka Galmudug iyo Hirshabelle ay wadaan qaban qaabada.

29 July ayaa la qabtay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Jubaland kuwaas oo ka kooban 4 xubnood, wadarta guud ee xubnaha Aqalka Sare ee Jubaland waa 8. Doorashadas waxaa kusoo baxay Xildhibano ay ka mid yihiin Senator Cabdullaahi Sheekh Fartaag iyo Iftiin Xasan Baasto oo horay uga mid ahaa barlamaankii 10aad.

Sidoo kale, waxaa xigtay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed taasoo ay kusoo baxeen xubno gaaraya 5 iyadda oo ay sidoo kale harsan yihiin 3 xubnood.

Dowlad-goboleedka Galmudug oo si aad ah ugu mashquulsan dagaalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo soo cusboonaday ayaa markii dambe soo gudbiyay liiska xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada Aqalka Sare.

Si lamid ah, dowlad-goboleedka Hir-Shabeele aya so gudbiyay liiska xubnaha qabanqaabada doorashada Aqalka Sare wallow ay jireen muran iyo is-fahan-waa la xiriira xulista guddiga.

Puntland ayaa ku jiray xuska munaasabada 1-da August balse markii dambe uu madaxweyne Siciid Deni fadhi la yeeshay odeyaasha dhaqanka, waxaa ayna isla meel dhigeen arimaha doorashada iyo xulista xubnaha Aqalka Sare ku metalaya dowlad-goboleedka Puntland.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in Deni uu caawa la balansan yahay Xildhibaanadda Puntland kuwaasoo uu kala xaajoon doono arrimaha ku geedaaman hanaanka loo marayo xulista xubnaha ku metelaya Senate-ka.

Qoorqoor ayaa wajahaya culeyska ugu badan maadaama kuraasta qaar ay ku loolamayaan siyaasiyiin waaweyn iyadda oo xubnihii horey ugu fadhiyey ay doonayaan soo laabasho Villa Soomaaliyana ay saareyso cadaadis ah in uu danahooda ka shaqeeyo. 

Balse, madaxwayne Deni ayaa ka duwan hogaanka maamulada kale ee waddanka. Kahor shaacinta liiska musharaxiinta, hogaamiyaha Puntland waa inuu latashadaan dhamaan dhinacyada ay u khuseyso mana jiro cadaadis dowlada dhexe uga imaanaya.

Musharaxiinta madaxtinimada ayaa qudhooda waxay wadaan olole hoose oo ay ku doonayaan in ay kusoo saartaan Senatoro. Sida musharaxiinta ugu kala adkaadaan kuraasta Aqalka Sare waxay soo saareysaa musharaxiinta ugu cad-cad.

Jadwalka doorashadda waxaa ku cadeyd in xulista Senate-ka ay kusoo dhamaato saddex maalmood oo ka bilaabaneysa 25-ka July. Balse, maadaama dib-u-dhac badan jiro, haddana waxaa laga cabsi qabaa in ay kasii dib marto doorashada madaxweynaha oo loo muddeeyay 10-ka October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM