Xogta dableydi fulisay weerarkii Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho

Image
Dhammaan shanta maxbuus ayaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa fashiliyay isku day baxsasho oo Sabtidii maanta ah ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho kadib markii maxaabiis xukuman oo adeegsanayay bastoolado iyo bambooyin ay weerar ku qaadeen ilaalada jeelka, sidda ay laba ilo-wareedyo amni u sheegeen laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Waxaa la rumeysan yahay in hubkaasi si qarsoodi ah loo soo geliyay xabsiga. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay haatan gacanta ku hayaan ammaanka xabsiga.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed C/qani Maxamed Khalaf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta ay ku dhinteen Weerarkaasi, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Khalaf ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen 5 dagaalyahan, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 18 kale. Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ee X oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ayaa goor sii horreysay lagu sheegay dilka shanta maxbuus ee maleeshiyada ah.

Dhammaan shanta maxbuus ee sida xun loo toogtay ayaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen qaraxyada iyo soo gelinta walxaha qarxa ee magaalada Muqdisho. Afar ka mid ah ayaa lagu xukumay dil, halka midka shanaadna uu ku jiray xabsi daa’in.

Mid ka mid ah maxaabiista dilka lagu xukumay ayaa lagu helay in uu ku lug lahaa weeraro kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday xafiiska duqa Muqdisho sanadkii hore iyo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay dugsiga tababarka ciidamada bishii July ee sanadkii hore, sida laga soo xigtay ilo amni.

Maxbuus labaad oo isna dil lagu xukumay ayaa lagu helay inuu ku lug lahaa weerarkii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Hayat bishii Agoosto 2022, kaasoo galaaftay nolosha 21 qof.

Bishii Agoosto 2020, maxaabiis Al-Shabaab ah oo heley hub ayaa waxay isku dayeen inay qasbaan xabsiga. Afar ka mid ah ilaalada xabsiga iyo 15 maxbuus - oo dhamaan ahaa Al-Shabaab - ayaa lagu dilay weerarka. Hal maxbuus oo dabley ah ayaa baxsaday. Weerarkii 2020, hubkan waxaa lagu sooq ariyay cunto iyo agab kale xilliyada ay booqanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM