Xogta shanta kursi Aqalka Sare ee lagu doortey Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta Baydhabo ku doortey shan kamid ah sideeda kursi ee maamul goboleedka ku leeyahay Aqalka Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Shantan kursi waxaa laba kamid ah loo xiray haweenka, afar haween ayaana ku tartantay. Sidoo kale, saddexda kursi kale waxaa ku baratamay lix rag ah oo midkoodna uusan kamid ahayd baarlamaanka 10aad.

Kursiga koowaad

Zamzam Ibraahim Cali oo dib loo doortey ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay ee ku guuleystay xubinimada Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya iyadda oo 81 kaga badisay Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim oo heshay 4 cod, waxaana xumaaday 7 cod.

Iyadda oo ay jiraan warar la xiriirinaya maamulka madaxweynaha xilka kasii dagaya Farmaajo, Zamzam ayaa ahayd xubin ka tirsan xeer-dejinta 10aad iyo guddiyadda haweenka si lamid ah arrimaha diinta.

Kursiga labaad

Ayaan Aadan Cabdullahi oo dhalinyaro ah ayaa ku guuleysatay kursigii labaad ee xubnaha Koonfur Galbeed ku metalaya Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyaddoo 79 cod kaga adkaatay Farxiyo Nuur oo heshay 8 cod, waxaana xumaadey 5 cod.

Kursiga waxaa laga qaadey oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Ilyaas Cali Xasan, xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Himilo Qaran, oo uu hogaamiye ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, musharax madaxwayne.

Kursiga Saddexaad

Aadan Cabdinaasir Maxamed, wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka, ayaa noqdey Senatorkii saddexaad ee maanta lagu doortey caasimada KMG Koonfur Galbeed ee Baydhabo, isaga oo 80 cod kaga adkaadey Maxamed Aadan Xasan oo ay u coddeeyeen 6, waxaana xumaadey 6 cod.

Kursigan waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xuseen Sheekh Maxamuud kaasoo sheegay in liiska musharaxiinta looga reebay "in uu si madax-banaan u soo bandhigay fekerkiisa shaqsiga ah".

Kursiga afaraad

Maxamuud Maxamed Cabdinuur ayaa kusoo baxay kursiga afaraad ee maanta lagu doortay caasimada KMG Koonfur Galbeed ee Baydhabo, isaga oo 71 cod kaga adkaadey Nuur Baabul Cadow oo helay 9 cod, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay.

Kursigan waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdullaahi Cabdi Garuun. Sanadkan kuma soo bixin liiska musharaxiinta, waxaa loo badinayaa in uu eersaday "xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhaxeeya Laftagareen".

Kursiga shanaad

Dr Xuseen Maxamed Daahir, ayaa ku guuleystay kursiga 5aad doorashada xubnaha maamulkaas ee Aqalka Sare oo maanta ku qabsoontey Baydhabo. Daahir oo helay 71 cod wuxuu ka adkaadey Cusmaan Maxamed Nuur oo helay 7, iyadda oo ay xumaadeen 10 cod.

Daahir waa agaasimaha wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed. Kursiga uu hantey waxaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiday Senator Timiro Maxamed Cali, oo ah haweenayda ugu da’da yar Senate-ka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM