Xoolaha Soomaaliya oo suuq cusub ka helay waddanka Masar

Image
Xukuumadda Qaahira ayaa si bile ah u dhoofsan doonta in ka badan 10 kamid ah Ariga Soomaaliya.

DOOXA, Qadar - Masar ayaa xoolo badan ka dhoofsan doonta Soomaaliya iyo Jabuuti si ay ula tacaasho sare u kaca qiimaha hilibka dalkaas, waxna looga qabto gabaabsiga dhanka hilibka ee ka jira suuqyada dalkaas.

Axmed Hafez, oo ah madaxa ururka dhoofayaasha xoolaha Afrika ee Masar, ayaa xusay in “qiimaha ariga suuqyadda dalkaas uu u dhexeeyo $4.15 iyo $4.77 halkii kiilo".

"Tani waxay sababtay in cunista hilibka lo’da uu sare u kaco sababtoo ah waxaa kor u kacay dadka qurbaha iyo dalxiisayaasha ah, gaar ahaan kuwa ka imaanaya wadamada Khaliijka," ayuu raaciyay.

Laga bilaabo bishan, qiyaastii 15,000 ilaa 25,000 oo neef oo Ari iyo Ido ah ayaa bishiiba laga soo dhoofin doonaa deegaanka Safaga ee dalka Masar, halkaas oo karantiil lagu hayo xoolaha si degdeg ah loo gowraco.

Hafez waxa uu carabka ku adkeeyay taageerada wasaaradaha beeraha iyo sahayda ee Masar ay ku fududeynayaan shixnadahan iyo hubinta sahayda degdega ah ee suuqa.

"Badeecadahan la soo dejiyo waxay gacan ka geysan doonaan in hilibka lagu bixiyo qiimo macquul ah isla markaana ay xakameeyaan farqiga u dhexeeya wax soo saarka gudaha iyo cunista," ayuu raaciyay.

Ku tiirsanaanta Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhoofinta xoolaha ayaa calaamad u ah isbeddel muuqda oo ku yimid istaraatiijiyadii Masar ee wax soo dejinta dibadda, taas oo markii hore si weyn diiradda u saartay Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyada militari ee ka socda dalka Suudaan ayaa hakad geliyay wadooyinkii ganacsiga xoolaha ee soo jireenka ahaa waxaana fursad cusub helaya xoolaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM