Xoosh: Xasan Sheekh fursad horey ayuu dayacay, haka fadhiisto Siyaasadda

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, Cabdi Xoosh Jibriil ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynihii 8aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxmuud, oo Sabtidii dhaleecayn culus dusha uga tuuray dowladda Farmaajo.

Maxamuud ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya, caburinta siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo ku xad-gudubka hay’addaha sharci-dejinta, isaga oo ugu baaqay inay joojiso "biseel la’aanta siyaasadeed.

Xoosh, oo lagu bartay inuu difaaca dowladda marka ay cadaadis kala kulanto mucaaradka iyo Xildhibaanada, ayaa ku tilmaamay Xasan "mid dayacay fursadii ay siiyeen shacabka" isaga oo ugu baaqay inuu ka fadhiisto siyaasada.

"Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh waa inuu howlgab noqdaan. Isaga waxaa fursad siiyay shacabka Soomaaliyeed..wuuna is-dhaafiyay,” ayuu Wasiir Xoosh ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Bishii September 2012-kii ayay ahayd markii uu Xasan Sheekh xilka kala wareegay Shariif Sheekh Axmed oo uu kaga guuleystay doorasho ka dhacay Muqdisho, iyadda oo wixii ka dambeeyay markaasi uu Shariifka noqday dibad-joog.

Wasiir Dastuurka xukuumadda haatan jirta ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh inuu qaado talaabadaasi oo kale, islamarkaana uu u ogolaado maamulka Farmaajo inuu xilka ku dhameysto qaab xasiloon.

"Isaga [Xasan] wuxuu xasuustaa inuu markii uu Shariif xilka kala wareegay uusan marnaba mucaaradin isaga afar-sano oo uu awooda hayey..Taasi oo uu ku sax-sanaa Madaxwayne Shariif," ayuu raaciyay Xoosh.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Dastuurka oo udayriyay Xasan Sheekh ayaa si cad ugu sheegay inaanu marnaba xilka kusoo laaban karin, inkasta oo sida haatan muuqata uu damac kale ku jiro.

"Xasan Sheekh Maxmuud waa inuu xasuus dhowr-kiisu ku darsadaa in Soomaalidu aysan marnaba dib usoo celin qof, inta uu shaqadiisa si wanaagsan ugudanayo, mana helo fursad kale, ma jirto sarakicid, ogow taasi," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Loolan siyaasadeed oo ku wajahan dhinaca Madaxtooyadda oo udhaxeeya madaxdii hore iyo kuwa haatan jirta ayaa soo ifbaxaya iyaga oo umaraya xisbiyo, ay ugu diyaar-garoobayaan doorashada 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM