Xubin cusub oo kamid noqonaysa guddiga doorashada oo la ansixiyey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa caasimadda Muqdisho ayaa meelmariyey xubin ku biireysa guddiga doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiyo Shuuriye oo isla goobta lagu dhaariyey balanqaadeyna u hogaan-samida dastuurka ku meelgaarka ah ee waqti xaadirkaan uu waddanka ku shaqeeyo waxaa horey u soo ansixiyey Golaha Shacabka.

Hadal-jeedin kooban oo ay fadhiga ka sameysay ayay ugu mahadcelisay mudaneyaasha kalsoonidooda siiyey una coddeeyay.

Fadhigaan oo ahaa kulankii 4aad isla markaana qayb ka ah kalfadhiga 7aad waxaa soo xaadiray Senatoro buuxiyey kooramkii loo baahnaa.

Xaliima Ismaaciil Ibraahim, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo xubno wehliyey, ayaa waxay goobjoog ka ahaayeen kulankaan.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo waqtiga uu kasii dhamaanayo ayaa ku fashilmay in ay dalka ka hirgeliyaan coddeyn qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, iyagoo codsaday muddo kordhin laga diidey.

Heshiis ay hogaamiyeyaasha siyaasadda ka gaaraan nooca doorashooyinka soo aadan ayaa meesha ka saareysa guddiga, maadaama waajibaadka loo idmaday uu yahay qof iyo cod, hadii aysan dhaceyna la filayo in guddi kale la dhiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM