Xubin ka tirsanaa AS oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Image
Mudooyinkii ugu dambeeyay xubno badan oo ka tirsan AS ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa maantta isugu soo dhiibay ciidanka xoogga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeyb 60-aad xubin ka tirsan kooxda “AS” lagu magacaabo Maxamed Ibraahim magaciisa af-garashada ahaana Najiib

Najiib ayaa hore uga qeyb qaatay weeraro ay qaadday kooxda ‘AS’, isla markaana howlgallo ka fuliyay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan tababar ku soo qaatay deegaanka Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaas oo qeyb kaga ahaay malleeshiyaad ku biiray kooxda “AS”.” ayuu yiri Najiib oo wareysi siiyay warbaahinta Ciidamada.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa xubno badan oo ka tirsan AS isku soo dhiibeen ciidamada dowladda, iyadoo ay kordheen duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu hayo goobaha ay ku sugan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM