Xubnaha DF ku metelaya guddiyada doorashada oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay xubnaha dowladda ku metelaya guddiyadda doorashadda maamuladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay magacyadda kuwaasoo wadar ahaan gaaraya 15 - uu maamulkiiba ku leeyahay min saddex xubnood.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli uu is-qabqabsi ka taagan yahay xubnaha guddiyadda doorashadda dowlad goboleedyadda markii Villa Soomaaliya ay faragelisay xulashadda maamulada taageersan.

Murashaxiinta iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya in ay ku dartay guddiyadda saraakiil ka tirsan hay'adda sirdoonka, shaqaale dowladeed iyo taageereyaasha madaxweynaha.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xusay in xubnahaas ay ku badan yihiin guddiyadda ay soo gudbiyeen madaxweyneyaasha maamuladda kala ah; Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Sidda ku xusan qoraal wadajir ah oo ay soo saareen, murashaxiinta ayaa qaadici doona doorashadda hadii aan waxba laga bedelin "doorashadda loo qaabeeyay in ay boobto kuna shubto" taliska Farmaajo.

Garowe Online ayaa fahansan in murashaxiinta ay kulamo ku yeelan doonan Muqdisho maalmaha soo aadan isla markaana ay ku dhawaaqi doonan gole ay ku mideysan yihiin si ay u cadaadiyaan dowladda.

Doorashadda Soomaaliya ee 2020-21 ayaa u muuqaneysa mid ka culeys badan dhamaan coddeyntii horey dalka uga soo dhacdey, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda sii cuslaato hadii is-faham imaan waayo.

Hoos ka akhriso guddiyadda Rooble

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM