Xubno Al-Shabaab u uruurinayey canshuur oo howlgal lagu beegsaday

Image

BALCAD, HirShabelle – Ciidamada booliska iyo sirdoonka Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Shabeellaha Dhexe ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno Al-Shabaab u uruurinayey canshuur, sidda la sheegay.

Howlgalka ayaa lagu waramay in uu ka dhacay nawaaxiga degaanka Daniga oo ku dhow magaaladda Balcad ee gobolkaas.

Saraakiisha ayaa tibaaxay in dagaalameyaasha la beegsaday iyaggoo isbaaro lacag kaga qaadaya gaadiid rakaab ah.

Maamulka ayaa xaqiijiyey in laba kamid ahaa dableyda la dilay, halka saddex kalena dhaawac loo geystay.

"Howlgalkaan ay qaadeen ciidamaddeena geesiyaasha ah wuxuu dhacay galabnimadii Jimcadda," ayay raaciyeen.

Warar ayaa sheegaya in ciidamadda ay nolol ku qabteen qaar kamid ah maleeyshiyaadka dhaawacmay.

Canshuur qaadista sharci daradda ah ee Al-Shabaab ayaa kamid ah ilaha dakhli ee kooxdu isku haleyso, wallow uu socdo olole balaaran oo looga hor istaagi lahaa maadaama uu halis ku yahay in cagta la mariyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM