Qalalaase ka taagan safaaradaha Soomaaliya oo la sharaxay

Image
Wasiirka arrimaha dibadda, Abshir Haruushe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Haruushe, ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixiyay xaaladaha qalalaasaha ah ee ka taagan safaaradaha Soomaaliya.

Haruushe ayaa tafaasiishan soo bandhigay xilli uu la hadlayay guddi Aqalka Sare ee baarlamaanka ka tirsan oo su’aalo weeydiinayay taasoo warbaahinta madaxa-banaan ay joogtey.

Wasiirka oo la weeydiiyay sababta keenay khilaafka iyo is qabqabsiga ka taagan safaaradaha ayaa si faahfaahsan u sharaxay xaaladaha dhabta ah ee ka taagan safaaradaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha safaaradaha ay marka koowaadba ku kala qeybsanyihiin aragtiyada siyaasadeed ee gudaha dalka, lana kala safanyihiin dhinacyada isku hardiya siyaasadda, taasina ay keento khilaafka.

“Shaqaalaha safaaradda hal guri ayay wada degenyihiin, maalin kastana iska soo ag toosaan, taasi waxa ay keeneysaa in ay is qabtaan," ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in inta badan waxa ay shaqaalaha isku hayaan ay yihiin dakhliga kooban ee safaaradaha.

Dhanka kale, Haruushe ayaa sheegay in safaaradaha la isugu geeyay shaqaale ka badan intii loo baahnaa, tahayna in la kala dhimo shaqaalaha xitaa haddii safaaradaha qaar ay daruuri noqoto in lagu soo reebo labo qof oo kaliya.

Geesta kale, wasiirka ayaa tilmaamay in shaqaalaha wasaaradda inta badan ay ku yimaadaan qoondo siyaasadeed , xildhibaanadana inta badan ay ololaha doorashada ku galaan in ay dad cusub shaqo geynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM