Qalalaase ka taagan safaaradaha Soomaaliya oo la sharaxay

Image
Wasiirka arrimaha dibadda, Abshir Haruushe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Haruushe, ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixiyay xaaladaha qalalaasaha ah ee ka taagan safaaradaha Soomaaliya.

Haruushe ayaa tafaasiishan soo bandhigay xilli uu la hadlayay guddi Aqalka Sare ee baarlamaanka ka tirsan oo su’aalo weeydiinayay taasoo warbaahinta madaxa-banaan ay joogtey.

Wasiirka oo la weeydiiyay sababta keenay khilaafka iyo is qabqabsiga ka taagan safaaradaha ayaa si faahfaahsan u sharaxay xaaladaha dhabta ah ee ka taagan safaaradaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha safaaradaha ay marka koowaadba ku kala qeybsanyihiin aragtiyada siyaasadeed ee gudaha dalka, lana kala safanyihiin dhinacyada isku hardiya siyaasadda, taasina ay keento khilaafka.

“Shaqaalaha safaaradda hal guri ayay wada degenyihiin, maalin kastana iska soo ag toosaan, taasi waxa ay keeneysaa in ay is qabtaan," ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in inta badan waxa ay shaqaalaha isku hayaan ay yihiin dakhliga kooban ee safaaradaha.

Dhanka kale, Haruushe ayaa sheegay in safaaradaha la isugu geeyay shaqaale ka badan intii loo baahnaa, tahayna in la kala dhimo shaqaalaha xitaa haddii safaaradaha qaar ay daruuri noqoto in lagu soo reebo labo qof oo kaliya.

Geesta kale, wasiirka ayaa tilmaamay in shaqaalaha wasaaradda inta badan ay ku yimaadaan qoondo siyaasadeed , xildhibaanadana inta badan ay ololaha doorashada ku galaan in ay dad cusub shaqo geynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM