Xujeyda oo qarka u saaran inay ka baaqdaan Xajka [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Maxamed Cumar [Dalxa] oo kamid ah Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay caqabadaha ka taagan arrimaha xajka.

Dalxa ayaa sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed ay sanadkan qarka u saaran yihiin inay ka baaqdaan gudashada acmaasha Xajka, ee loo aadayo dalka boqortooyada Sacuudiga.

Xilldhibaanka oo u waramay warbaahinta Maxaliga ah ee Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inay sababta ugu wayn ay tahay khilaaf ka taagan qiimaha iyo shuruucda shirkadaha diyaaradaha ee Xujeyda u qaada Sacuudiga.

"Hadii uu sii jiro khilaafka, waxaa dhalan kara 2 arrimood oo kala ah in Xujeyda Soomaalida ay sanadkan ka baaqdaan Xajka iyo in Sacuudiga mamnuuco diyaaradaha Xujeyda ka keenaya Soomaalida," ayuu yiri Dalxa.

Hadalka Dalxa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay shuruuc kala duwan ay Wasaaradaha arrimaja awqaafta diinta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada usoo dejiyeen arrimaha xajka iyo qiimaha lagau raaco diyaaradaha.

Dadweynaha ayaa mudooyinkii dambe laga dareemayay Guux ku aadan shirkadaha diyaaraha ee qaadeya Xujeyda, kadib markii cawasha laga muujiyay lacagta laga qaado dadka, oo ah mid aad u badan.

Xajka ayaa ah xilliga kaliya ay faa'idada ugu badan helaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee diyaaradaha, kuwaasi oo 25-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray aanay jirin dowladda ama nidaam lagu maamula.

Xajka ayaa kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka, iyadoo uu EBBE ku waajib yeelay qofka Muslimka ah, gaara ahaan inta uu ALLE awood u siiyay inay tagaan Makka, oo soo xajiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM