Xukun lagu riday Askari qof Muqdisho ugu dilay 2 kun oo Shilin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukun dil toogasho ah oo lagu riday askari katirsan Booliska DF, kaasoo Muqdisho ku dilay 16-kii Bishii June Oday ganacsade ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta halkaasi oo marxuumka oo la oran jiray Cumar Xasan ku lahaa goob yar oo Ganacsi. Dilkiisa ayaa ka dhashay muran laba kun oo shilin Somaali ah oo Askariga Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.

Askariga ayaa markii uu odeyga ka diiday lacagta, maadaama ay ahayd mid jeex-jeexan xabad madaxa uga dhuftay, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo ganacsadaha, oo goobta markii dambe meydkiisa laga qaaday.

Dable Boolis Nuur Daahir Geedi oo ka tirsan Saldhiga Booliska degmada Shangaani ayaa maanta lagu xukumay dil, sida Maxkamadda ku dhawaaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM