Mas'uuliyiin ka tirsan DF Soomaaliya oo loo xukumay musuqmaasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah waxay xukuno kala duwan ay ku ridday mas'uuliyiin kawada tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud, agaasimaha maaliyada iyo agaasime waaxeedyo ayaa isugu jiraan eedeysaneyaasha ay xeer-beegtadu sheegtay in lagu helay fal musuqmaasuq ah iyo lunsasho hanti dadweyne.

Shan mas'uul kale oo isla dacwadan loo haystay ayaa xorriyadooda dib loogu celiyey ka gedaal markii lagu waayey wax dambi ah, sidda ay sheegeen garsooreyaasha maxkamadda.

Cabdullaahi Xaashi Cali, oo ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu xukumay 9 sano oo xarig ah, ganaax lacageed oo dhan $2,366 iyo in uusan xafiis dadweyne ka shaqeyn karin.

Mr Cali, ina Khadiija Maxamed Xirsi, 61-jir, ku dhashay Hiiraan, degan degmada Xamar-wayne kuna eedeysanaa qodobada 241, 363, 366, 375, 376, lala akhriyey 71 ee Xeerka Ciqaabta ayaa lagu helay qodobada 241 io 363.

Qodobka 141 wuxuu xeerinaya axatooyo xoolo dadweyne. Sidoo kale, xukunka ka reebid xafiis dadweyne waxaa ku xusan qodobka 101 iyo 102.

Maxamuud Buulle Maxamuud, agaasimihii Maaliyadda Wasaarada, ayaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah, ganaax dhan $2,366 iyo ka reebid xafiis dadweyne muddo aanan la cayimin.

Mr Maxamuud, ina Binti Sheekh Nuur Maxamed, 50+ jir, ku dhashay Xamar, degan Wadajir, kuna eedeysanaa qodobada 241, 363, 366, 375, 376, lala akhriyey 71 ee Xeerka Ciqaabta ayaa lagu helay 241, 363, 366 iyo 375.

Mahdi Abshir Maxamed, agaasimihii qeybta xisaabaadka, ayaa lagu xukumay 12-sano oo xarig ah, ganaax lacageed oo dhan $2,366 iyo ka mamnuucid xafiis dadweyne muddo aanan la cayimin.

Mr Maxamed, Ina Xaawa Maxamuud, 30-jir, ku dhashay Xamar degan Waabir, kuna eedeysanaa 241, 363, 366, 375, 376, lala akhriyey 71 ee Xeerka Ciqaabta ayaa lagu helay qodobada 241, 363 iyo 375.

Bashiir Cabdi Nuur, madaxii mashruuca Malaariyadda, ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, ganaax dhan $1,183 iyo in uusan xaadiri karin xafiis dadweyne muddo ku siman shan sano.

Mr Nuur, ina Xaliima Qaasim Cabdi, 34-jir, ku dhashay Xamar, degan Hodan, kuna eedeysanaa 241, 363, 366, 375, 376, lala akhriyey 71 ee Xeerka Ciqaabta ayaa lagu helay qodobka 241.

Eedeysaneyaasha kiiskan fadeexadda ku noqdey Wasaaradda Caafimaadka soona shaac-baxay markii waddanka ka dilaacay Covid-19 ayaa ahaa 9, waxaana dambi lagu waayey tiradda kale, iyaddoo laga yeeshay 14 fadhi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM