Xukuno lagu riday Sagaal uu ku jiro ninkii Muqdisho ku dilay 180-ka qof

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah xukuno ku ridday sagaal eedeysane oo loo haysto falal argagixiso iyo kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkan oo shan kamida ay maqane yihiin waxaa todoba kamid ah lagu xukumay dil toogasho, halka laba kale oo mid ay tahay haweenay garka loo geliyay xabsi daa'in iyo sanado xabsi ah.

Maxamed Xaaji Axmed, Saalim Saciid Maxamed iyo Axmed Maxamed Haashim oo goobjoog ah ayaa lagu riday dil toogasho.

Sharmaake Cumar Axmed Xuseen, Axmed Faarax Iidle, Cabdiraxmaan Mustaf Sheekh Cabdullaahi iyo Ramadaan Cabdiraxiim Mursal oo maqaneyaal ah ayaa lagu xukumay dil toogasho.

Cabdinaasir Axmed Cabdiqaadir oo maqane ah ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, halka Faadumo Xuseen Cali Cadaawe, oo goobjoog ah lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan.

"Ciddii aan ku qanacsaneyn waxaa u furan rafcaan 48-saac ah," sidaas waxaa yiri Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya oo xukunka shaaciyey.

Xubnahaan xukunadda lagu ridday ayaa ahaa shabakad isku xiran oo Muqdisho ka fulisay dilal iyo qaraxyo, waxaana hogaamiye u ahaa Maxamed Xaaji Axmed oo "qirtay" dambiga iyo kaalintiisa.

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in Maxamed uu mas'uul ka yahay geerida in ka badan 180 qof oo ay ku jiraan mas'uuliyiin oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM