Xukuumada DF Soomaaliya oo ansaxisay xeer awood siinaya [ Faahfaahin]

Image
Image
Image
MUQDISHO (GO) - Kadib kulan ay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku yeesheen Gollaha Wasiiradda Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxay ku meel-mariyeen xeerka xayiraada lacagaha.
 
Kulankii maanta oo qayb ka ah kulamada Todobaadlaha ee Gollaha ayaa waxaa hor-keentay xeerkaan Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo aqlibiyad cod ah lagu ansaxiyey. 
 
Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed, ayaa sheegay in xeerkani uu siinaya dowladda awoodo dheeri ah, gaar ahaan marka ay timaado lacagaha shakiga ka yimaado halka ay kusii jeedaan.
 
Wuxuu carabka ku dhuftay inuu ka qayb qaadanayo dardar gelinta barnaamijka ay xukuummadda Khayre wado oo ah hufnaanta iyo daah-furnaanta, taasoo bilooyinkii ugu dambeeyay la laba-jibaaray.
 
"Xeerkani waxa uu kaloo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda nabad-gelyadda, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa," ayuu Wasiiru dawlaha hadalkiisa raaciyay.
 
Ansaxinta xeerkaan ayaa imaanaya xilli la filayo bisha September 10 keeda uu furmo kulanka Baralamanka Federaalka Soomaaliya iyadoo ay jiraan baqdin ah in Wasiirka kowaad iyo Xukuukadiisa laga keeno mooshin ka dhan ah.
 
Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa daboolka ka qaaday in xeerkani loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.
 
Dhinaca kale waxaa dhowana soo gaarey magaalada Muqdisho Madaxweynhii hore ee Soomaaliya isagoo wararku sheegayaan in isaga iyo xulifadiisa hore furtaan isbaheysi xisbi oo mucaarad ku ah Villa Soomaaliya.
 
Dowlada Federaalka ayaa sanadkaan horaantiisa la wareegtey lacag dowlada Imaaraadka u wadey ciidamada Soomaaliya xiligaas oo magaalada Muqdisho uu ka socdey mooshin xilka looga xayuubinayo gudoomiyihii hore ee Barlamanka Soomaaliya Jawaari.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM