Xukuumada oo aan wali maamulada gaarsiin lacagta ay u fasaxdey

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nan wali maamul goboleedyadda waddanka waxa aysan gaarsiinin lacagta ay sheegtay in ay u fasaxday taasoo dhan min hal milyan oo Doolar.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka dhigay in lacagtaas loogu talagalay ka hortagga fayruska dilaaga ah ee Corona.

Xaqiiqada ku saabsan in lacagta aan wali loo dirin Maamul Goboleedyadda waxaa daaha ka rogay Puntland iyo Jubaland.

Ma cadda hadii ay arrintaas ku kooban tahay labadda maamul ama in ay la qabaan Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh Madaxtooyadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda federaalka, ayaa lagu amray in uu lacagatas ku wareejiyo Maamulada dalka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli tirada kiisaska Covid-19 ee guud ahaan dalka ay si maalinleh u sii kordhayaan ku dhow yihiin 300.

Wasaaradda Caafimadka federaalka oo adkeysay in halista ay baaxad leh u taagan tahay ayaa hoosta ka xariiqdey baahida loo qabo in dadku muujiyaan feejignaan dheerad ah si looga baaqsado khatartaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM