Xukuumada oo Beesha Caalamka la wadaagtey qorshe ay waddo

Image
Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa fariintan ka sheegay shirka xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga saarey Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa waxaa furay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Al-Shabaab.

Shirkan ayaa "inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab".

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-gurayaa sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray Al-Shabaab ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM