Xukuumada oo fahfaahisay shirka furmaya ee doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa fahfaahin waxay ka bixisay shirka dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee Axada maanta ah ka bilaabaya magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Afhayeenka ra'iisul wasaaraha Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xaqiijiyey in kulankan uu ka maqnaan doono hogaamiyaha HirShabelle ayaa xusay in madaxda kale ay isku arki doonan Teendhada Afasiyooni ee caasimada.

Macalimuu oo si kooban u dul-istaagay ajandaha wadaxaajoodka ayaa intaas ku daray in madaxda ay falanqeyn doonto qaababka fulinta heshiisyada doorashooyinka iyo haddii ay jiraan caqabado soo if-baxay.

Sida laga soo xigtay Macalimuu, waxaa suurtagal ah in hogaamiyeyaasha ay isla gartaan jadwal cusub wallow uu niyad jab weyn ka muujiyey dib-u-dhaca ku yimid labadii bilood ee horey isugu afgarteen hogaamiyeyaasha. 

"Howluhu way socdaan ra'iisul wasaaruhuna wuu ka shaqeynayaa laakiin waxaad moodaa in sidii loogu talagalay aysan ahayn oo mar walba Soomaaliya wax walba sidii loo qorsheeyay ma qabsoomaan. Marka madaxdu waxay kawada hadlayaan waxay tahay sidii loo qorsheyn lahaa," ayuu Macalimuu u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: "Waa laga yaabaa in jadwal cusub [ay ku heshiiyaan] oo howshuhu siday u dhici doonto waqti ka waqti ay sheegaan laakiin hadba waxay ku xiran tahay wixii wadahadalkaas kasoo baxa".

"Hadda wax caqabado ah ma jiraan. Laakiin waxay isugu yimaadeen in ay kala xog qaataan. Horeyna heshiiskooda way ugu jirtay in ay isu imaan doonan haddii ay isku baahdaan," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Qodobada ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo waa wax ka bedel lagu sameeyo heshiiska doorashada 17-kii September iyo 27-dii May, meeshana laga saaro laba degaan doorasho iyo in la yareeyo tirada eraga doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM