Wasiir Goodax Bare: Puntland imtixaan ha galaan ama ha isku filnaadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay go'aan u muuqda "mid kama dambeys ah " oo ku aadan diidmadeeda shahaadooyinka ee ardayda Puntland.

Cabdullaahi Goodax Bare, wasiirka waxbarashada, ayaa xaqiijiyey in ay ka hor-yimaadeen "aragti ay soo jeedisay dowladda Puntland".

"Waxaan ku kala aragti duwanaanay fasalka 12aad galitaankiisa. Mowqifka Puntand wuxuu yahay in ay yiraahdaan 'imtixaanka anagaa qaadaneyno, ma rabno in wasaarada waxbarashada ee dhexe ay imtixaanka agaasinto, in aynu wax la wadaagno, in aan macluumaadka ardayga sheegno, annagaa waxayna agaasimeyno qofkii aanu yiraahno wuu baasay, shahaado siiya," ayuu u sheegay BBC-da.

Wasiirka oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Hoose ee baaramaanka waddanka ayaa soo bandhigay qaabka ay iyaguna kaga jawaabeen codsigaas.

"Anaguna waxaanu niri sidaasi macquul ma aha, in ay iyagu kaliya is-maamulaan anaguna kaliya bixino shahaadada macquul ma ahan. In aan Puntland shahaado siino, ee aysan shaqeysan ee lamida midkii shaqeystay iyadana cadaalad maahan," ayuu ku doodey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Goodax Bare ayaa tibaaxay in Puntland ay hor-dhigeen "fursad kale oo looga baaqsan in ay ardaydu weydo shahaadada".

"Wax badan ayaan dalbanay xitaa in ay iyagu agaasimaan oo annagu aan kormeerno, ma ogola," ayuu carabka ku dhuftay wasiirku.

Mar la waydiiyey hadii xal loo helay mushkiladan ayuu ku jawaabay "wali xal looma helin Puntland ayay ag-taalaa sheekadu, in ay Ummadda Soomaaliyeed la mid noqdaan oo shahaadaha ay qaadanayaan la qaataan".

Ugu dambeyntii, wasiir Cabdullaahi Goodax Bare ayaa hadalkiisa kusoo gunaanuday "Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama ay isku filnaadaan oo aysan shahaado naga soo doonan".

Puntland wali kama jawaabin hadalka Goodax Bare, hase ahaatee, mas'uuliyiintan maamulkan ayaa horey u sheegay in dastuurka qabyadda ah u ogolaanayo in ay si gaar ah u maamushaan imtixaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM