DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan shirka uu iclaamiyey Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey mowqifkeeda ku wajahan shirweynaha wadatashi ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka, ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan kulankaas.

Maareeye ayaa hadalkaan sheegay xili uu la hadlay Barnaamij gaar ah oo xalay ka baxay Talafishinka Qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in shirkaas uu kasoo baxo "wax wanaagsan oo furo noqda".

Filashadooda ku aadan kulanka ayuu xusay in ay tahay in maxsuulka kasoo baxi doono uu noqdo "talo Soomaaliyeed oo fiican, oo kala aragti duwanaanta haatan jirta fududeyn doonta".

Isagoo la hadlaya Deni ayuu raaciyey "is-deji, xaaladaad ogeyd [oo jirta federaalka oo aad kasoo shaqeysay] ayaan ku jirnaayee, samey wax wanaagsan oo aan kala fur-fureyn".

Intii lagu guda jiray wareysiga, Maareeye ayaa meesha ka saarey in kulankaas uu kasoo bixi karo "gooni u goosad" ay ku dhawaaqdo Puntland.

Dowlada Federaalka ay madaxda ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ayaa tan iyo intii talada dalka hayeen waxay faragalin ba'an ku hayaan maamulada ka jira dalka.

Jimcadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Deni oo iclaamiyey shirwayne 15-ka March, 2020, ka dhici doona Garowe isla markaana kasoo qeybgeli doonan saamileyda siyaasada Puntland.

Kulankaas ayaa qorshuhu yahay in looga tashado mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo kaalinta Puntland.

Shaacinta shirkaas ayaa timid iyaddoo qorshuhu yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo 2020-21, wallow Villa Soomaaliya lagu eedeeyay "in ay afduubatay geedi u socodka iyo shuruucda muhiimka u ahayd".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM