Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo "heshiis gaarey"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa waxay gaareen heshiis ku aadan doorashadda Galmudug, sidda laga soo xigtay mas'uuliyiin.

Warbaahinta gudaha ayaa is-afgaradka waxay ku sheegtay in xukuumadda "ogolaatay" dalabka Ahlu Sunna.

Codsiga Ahlu Sunna ayaa ahaa in 30 mudaneyaal ay ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee Galmudug. Tirada guud ee Golaha Wakiiladda maamulkan waxay gaareysaa 89-xubnood.

"Heshiiska wuu dhacay waxaana la saxiixi doonaa dhowaan," sidaas waxaa laga soo xigtay dhowr saraakiil oo ka gaabsaday magacyadooda.

Midkood wuxuu raaciyey: "Halkaanna waxaa kasii socon doonta dhismaha Galmudug midda ah iyo soo xulista Xildhibaanadda cusub".

Todobaadkii hore ayay ahayd markii muddo asbuuc ah dib loo dhigay soo xulista Xildhibaanadda si loo xaliyo tabashooyinka Ahlu Sunna oo ay safka hore kaga jira qoondadooda baarlamaanka cusub.

Marka laga soo tago baahinta saxaafadda ee heshiiskan, ma jiro war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay labadda daraf.

Qorshaha dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay ayaa qaatey muddo badan kadib markii diidmo xoogan kala kulmey dhinacyada kala duwan ee uu khuseeyo.

Sikastaba ha ahaatee, dhismaha maamul la isku raacsan yahay oo Galmudug yeelato ayaa waxaa dan u yahay nidaamka Federaalka ah ee ka tisqaadey gayiga Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM