Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warar aan sal iyo baar lahayn waxay ku tilmaamtay in ay faragelisay isqabqabsiga ka taagan maamulka gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in aysan dhex-gelin xilka ka qaadista lagu sameeyay Cali Muxumed Caraale, kaas oo ka hor-yimid bedel uu ku sameeyay hogaanka HirShabelle.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ayaa lagu beeniyey warqad lagu faafiyey baraha bulshadda oo muujineysa in ay ku baaqdey in xal laga gaaro khilaafka ka tagaan maamulka gobolkaas.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay si cad u beeninaysaa warqadan been abuurka ah oo ay baraha bulshada wareejinayaan dad dana gaar ah ka leh," ayay tiri.

Caraale oo diidey in uu ogolaado eryida uu ku sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa horey u waydiistay Dowladda Soomaaliya in ay soo farageliso xiisada isla markaana ay xaliso.

Cali Jayte Cismaan ayaa laga dhigay gudoomiyaha cusub, kaas oo ku guuldareystay in uu Caraale ku qanciyo xil-wareejinta.

Gobolka Hiiraan ayaa inta badan waxaa hareeya muran siyaasadeed marka maamul goboleedka isbedel ku sameeyo hogaankiisa, waxaana arrintaas lagu sifeeyay in aysan jirin biseyl siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM