Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warar aan sal iyo baar lahayn waxay ku tilmaamtay in ay faragelisay isqabqabsiga ka taagan maamulka gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in aysan dhex-gelin xilka ka qaadista lagu sameeyay Cali Muxumed Caraale, kaas oo ka hor-yimid bedel uu ku sameeyay hogaanka HirShabelle.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ayaa lagu beeniyey warqad lagu faafiyey baraha bulshadda oo muujineysa in ay ku baaqdey in xal laga gaaro khilaafka ka tagaan maamulka gobolkaas.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay si cad u beeninaysaa warqadan been abuurka ah oo ay baraha bulshada wareejinayaan dad dana gaar ah ka leh," ayay tiri.

Caraale oo diidey in uu ogolaado eryida uu ku sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa horey u waydiistay Dowladda Soomaaliya in ay soo farageliso xiisada isla markaana ay xaliso.

Cali Jayte Cismaan ayaa laga dhigay gudoomiyaha cusub, kaas oo ku guuldareystay in uu Caraale ku qanciyo xil-wareejinta.

Gobolka Hiiraan ayaa inta badan waxaa hareeya muran siyaasadeed marka maamul goboleedka isbedel ku sameeyo hogaankiisa, waxaana arrintaas lagu sifeeyay in aysan jirin biseyl siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM