Xukuumadda oo ansixisay sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka Qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo si xiriir ah sanadkii 10aad si isku mar ah looga qaadayo gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM